Al-shabaab oo weerar ku qaaday Lamu kenya

HomeWararka

Al-shabaab oo weerar ku qaaday Lamu kenya

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay Ciidamada Booliska iyo kooxdii hubeysneyd ee ka tirsan

Ciidanka dowladda oo howlgal ka fuliyay Shabeellaha Hoose
Xildhibaan Nuur Axmed Diiriye ayaa bogaadiyey qabashada Degmada Ceelbuur
Itoobiya oo xirtay hoggaamiyeyaal ka tirsan Jabhadda Tigray-ga

Taliyaha Ciidamada Booliska ee Lamu Irungu Macharia ayaa sheegay in is rasaaseyn ay dhex martay Ciidamada Booliska iyo kooxdii hubeysneyd ee ka tirsaneyd Al-Shabaab.

Taliyaha ayaa sheegay in kooxdii hubeysneyd ay u carareen dhanka Keymaha oo ah goobaha Al-Shabaabka weerarada ka geysta gobolka xeebta ay ku dhuumaaleystaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in weerarkan ujeedkiisa ahaa in lagu qaado xarun Boolis oo ka ag dhowaa wadada uu dayactirka ka socday ee labada gaari lagu gubay.

Labo gaari oo ah Nooca dhismaha Waddooyinka ayaa lagu gubay Deegaanka Milihoy ee ismaamulka Lamu, kadib markii ay weerar ku qaadeen rag katirsan Al-Shabaab sida ay warisay Warbaahinta Gudaha Kenya

Ma jirto wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab oo ku aadan weerarkan ka dhacay Lamu, waxaana horay u jiray weeraro Al-Shabaab ka geysteen gobolka xeebta.

 

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: