Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyey Geerida -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaare Cumar Carte Qaalib

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda

Waraysi: Wasiirkii hore ee Warfaafinta Galmudug oo Daljir faahfaahin ka siiyey qarax lagu dilay labo xildhibaan
Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh oo loo diiday dalkugalka Mareykanka
Sheekh shariif oo la kulmay Madaxda maamulada Galmudug & Hiirshabeele

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyska, qaraabada iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay -Alle ha u naxariistee- Ra’iisul Wasaarihii hore ee dalka Marxuum Cumar Carte Qaalib oo maanta ku geeriyooday magaalada Hargeysa.

Madaxweynaha ayaa xusay muddadii dheerayd ee Marxuumku uu u soo shaqeeyay dalka iyo dadka Soomaaliyeed, isaga oo soo qabtay xilal diblumaasiyadeed oo door weyn ka qaatay sare u qaadidda maqaamka iyo magaca dalkeennu ku leeyahay caalamka.

“Alle ha u naxariistee Marxuum Cumar Carte Qaalib waxa uu door weyn kasoo qaatay bilowgii dowladnimadeena. Waxa uu soo noqday Ra’iisul Wasaare iyo Wasiir Arrimo dibadeed. Waxaan xasuusannahay sida uu dadaalka ugu bixiyay in Qaranka Soomaaliyeed uu si mugleh uga dhex muuqdo saaxada siyaasadeed ee caalamka”.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyskiisa iyo guud ahaan Dowladda Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: