Madaxweyne Farmaajo iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo maanta kulmaya

Madaxweyne Farmaajo  iyo Xubnaha Beesha Caalamka oo maanta kulmaya

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi farmaajo ayaa waxaa lagu wadaa in Maanta oo Sabti ah in uu xarunta Madaxtooyda ee Villa Soomaaliya in uu kula kulmo Xubnaha Beesha Caalamka ee taageerada siiya Soomaaliya.

Wararka la helayo ayaa waxaa ay sheegayaan in labada dhinac ay ka wada hadli doonaan qabashada shir ay yeelanayaan Madaxda dowladda & dowlad goboleedyada, xilliga uu qbasoomayo iyo halka lagu qabanaayo.

Sidoo kale Madaxweyne Farmajao iyo Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa ay ka wda hadli doonaan sidi xal looga garai lahaa muranka hareeyay doorashooyinka dalka oo aan weli wax heshiis ah laga gaarin.

Xubanah Beesha Caalamka ayaa waxaa ay Madaxda dowladda & dowlad Goboleedyada ku cadaadinayaan in heshiis ay ka gaaraan arrimaha doorashooyinka maadaama uu geb0gabo yahay mudada xilheynta Madaxda Dowladda Soomaliya.

Xubno uu horkacayo Wakiilka Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya Amb, Jemis Swan ayaa waxaa ay kulamo kala duwan la qaateen Madaxda dowlad Goboleedyada, si ay ugu cadaadiyaan in heshiis laga gaarao arrimaha doorashooyinka.

Kulanka Maanta ee Madaxweyne Farmaajo & Xubnaha Beesha Caalamka ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu baaqday kulan ay dhawaan ku baqeen in la isugu yimaado Madaxda dowladda & Dowlad Goboleedyada.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com