Duqeyn Diyaaradeed oo lagu dilay  Horjoogiyaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab

HomeWararka

Duqeyn Diyaaradeed oo lagu dilay Horjoogiyaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka KGS ayaa shaacisey in Saaxibada Soomaaliya ay Caawa Howlgal Duqeyn ah oo lagu Dilay Horjoogiyaal ka tirsan

Golaha Aqalka sare ee mareykanak oo meel mariyay sharci taageeraya muslimiinta Shiinaha
Boosaaso: Beelaha Cali salabeen oo cod dheer ku tageeray doorashada dumuqraadiyada
Xogta Shirka Muqdisho iyo Madaxda Puntland iyo Jubblanad oo ku wajahan Muqdisho (Akhriso)

Wasaaradda Amniga Gudaha Dowlad Goboleedka KGS ayaa shaacisey in Saaxibada Soomaaliya ay Caawa Howlgal Duqeyn ah oo lagu Dilay Horjoogiyaal ka tirsan Maleeshiyada Alshabaab ay ka fuliyeen Deegaanka Mamoodow oo qiyaastii 40km dhanka waqooyi uga beegan Degmada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool.

Sida wasaarada amniga xaqiijisey waxaa Duqeynta ku Naf wayey dhagar qabayaal ka tirsa Horjoogayaal ka qeyb qaadanayey Sidii loo Dhibaatayn lahaa hantida shacabka Soomaaliyeed oo wadada si koloyo ah kumaraysa oo ay galbinayaan ciidanka xooga dalka, waxana maleeshiyada la duqeeyey wadada ugaleen in ay hor istaagaan baabuur ganacsi iyo kuwo gargaar sida oo laguwado in ay xuddur soo gaaraan.

Duqayntaan Saaxibada Soomaliya Caawa ay ka fuliyeen Deegaanka Ma’moodow ee Gobolka Bakool ayaa Qeyb ka ah Qorsha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Dowladda Federaalka iyo Saaxibada Soomaaliya ku Doonaya sidii Alshaab loogu Cirib tiri lahaa Guud ahaan Deganada Koonfur Galbeed waana Duqeyntii Labaad Mudo Bill ah ka Dhacda Deegaanada Gobolka Bakool oo jab loogu geystay alshabaab.

Horjoogayaal kasoo cararay howlgalada joogtada ah oo barbar socoto duqeynta ee lagafuliyo gobolada jubbooyinka iyo shabeelada dhexe ayaa muddooyinkii dambe si dhuumaaleysi ah usoo gaarayey deegaano ka tirsan gobolka bakool, si halkaa uga maleegaan dhaqarta lagu dhibaateynayo shacabka soomaaliyeed, haseyeshee waxa laxaqiijiyey qaar ka mid ah horjoogayaashaa in ay ku nafwaayeen howgalada qorsheysan ee lagafuliyey degmada tiyeeglow oo lagu bartilmaameedsaday idaacada andulus ee umada ka marin haabinayeen oo gebi ahaamba laburburiyey iyo deegaanka mamoodow oo ah dhul howd ah oo ay filayeen in ay ku badbaadikaraan, duqeynta lala daba taagan yahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: