Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal oo ka wada hadlay Xaalada Maamulka Koofur Galbeed

HomeWararka

Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal oo ka wada hadlay Xaalada Maamulka Koofur Galbeed

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kula

Somaliland oo xabsiga dhigtay abwaano dareenkooda ku cabiray suugaan (daawo)
Xage Maraysa dhismaha dekadda Garacad? (dhegayso | daawo )
XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOSAASO

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa kulan gaar ah ka yeeshay xaalada dalka ,gaar ahaana is bedelka kusoo kordhay Koonfur Galbeed kaddib Is casilaadii Madaxweynihii maamulkaas Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Wararka ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo iyo Guddoomiye Mursal ay kawada hadleen doorashada Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo sidii dowladda Federaalka u xaqiijin lahayd in doorasho nabdoon ka dhacdo magaalada Baydhabo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in la isku afgartat in Wafti uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal ay tagaan magaalada Baydhabo,sidii looga qeyb qaadan lahaa dadaalada socda iyo habsami u socodka howlaha doorashada Koonfur Galbeed.

Labada mas’uul ayaa sidoo kale kawada hadlay sidii loo dar-dargelin lahaa xoojinta iyo wada shaqeynta laamaha kala duwan ee dowladda Federaalka.

Guddoomiye Mursal ayaa ah xilligan mas’uulka ugu sareeya ee dowladda Federaalka ku matala reer Koonfur Galbeed ,walow saameyntiisa siyaasadeed aanay muuqan.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: