Somaliland oo xabsiga dhigtay abwaano dareenkooda ku cabiray suugaan (daawo)

Somaliland oo xabsiga dhigtay abwaano dareenkooda ku cabiray suugaan (daawo)

Ciidamada booliska ee Somaliland ayaa magaalada Hargaysa ee xarunta Somaliland ku xiray suugaanyahan dareenkooda ku cabiray qaab abwaanimo ah, iyagoona dhaliilayay ciidamada booliska ee Somaliland.

Saciid Maxamuud Gahayr , Cabdirixiin Gaaxnuug iyo Cabdiraxmaan Abees ayaa waxaa xiray ciidamada booliska ee magaalada Hargaysa.

Taliye kuxigeenka booliska Somaliland  Cabdiramxaan Liibaan Axmed Fooxle ayaa ku eedeeyey inay aflagaaddo ay u gaysteen ciidamada booliska oo uu sheegay inay shacabka ay u shaqeeyaan, isagoona sheegay inuu anshaxa iyo sharciga Somaliland ku xad gudbay.

Balse hogaamiyaha xisbiga Wadani Xirsi Xaaji ayaa sheegay in ay god ku dhacday nidaamkii dimuqraadiga ee Somaliland , waxaana uu sheegay in muwaadiniinta loo xiro fakerkooda ama hal abuurkooda ay tahay arrin aan haboonayn.

Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay dhalinyaro suugaanyahan ah oo ay xireen

Taliyaha Booliska Somaliland oo ka hadlay dhalinyaro suugaanyahan ah oo ay xireen

Posted by Radio Daljir on Sunday, January 13, 2019

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com