Madaxweyne Donald Trump oo joojiyeey dhaqaalihii la siin jiray WHO

HomeWararka

Madaxweyne Donald Trump oo joojiyeey dhaqaalihii la siin jiray WHO

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Xarun Cusub oo lagu Xanaaneyo Caruurta Naafadda ah oo Gaalkacyo laga Hirgalinayo (dhegayso)
MAANHDAL: Bulshada rayidka ah & Soomaaliya gaar ahaana Puntland fahamka laga haysto Bulshada Rayidka ah?,
MAANHADAL: Khudbadii madaxweyne Deni ee uu kaga hadlay xaaladda guud ee Puntland iyo doorashada Soomaaliya 2021 (dhegayso)

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in uu faray maamulkiisa in uu hakiyo dhaqaalaha la siinayo hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Waxa uu sheegay in WHO ay “ku guuldareysatay waajibaadkeeda aasaasiga ahi” marka la eego jawaabta ay ka bixisay faafitaanka cudurka coronavirus.

Madaxweynuhu waxa uu ku eedeeyay hay’addani Qaramada Midoobey in ay si xun u maaraysay isla markaana qarisay faafitaanka fayraska dhaliya cudurkani ka dib markii cudurkani uu ka dillaacay dalka Shiinaha, wuxuuna sheegay in ay khasab tahay in lala xisaabtamo.

Trump ayaa horay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO ugu eedeeyay in ay u xaglinayso Shiinaha.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey António Guterres oo ka jawaabayay hadal Trump ka soo yeedhay ayaa sheegay in hadda aysan ahayn “wakhtigii dhaqaalaha laga jari lahaa hay’addaasi WHO.

Mareykanka ayaa ah dalka dhaqaalaha ugu badan ku bixiyo hay’addani WHO, waxa uuna sanadkii la soo dhaafay siiyay 400 oo milyan oo doolar – oo u dhiganta in ka yar 15% miisaaniyadda guud ee hay’addani.

Dalka Shiinaha ayaa sanaddadii 2018 iyo 2019 waxa uu hay’addani ku bixiyay kharash gaaraya ku dhawaad 86 milyan oo doolar, sida lagu shaaciyay barta intarneedka ee hay’addani WHO.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: