Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.

Madaxweyne Deni oo Magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa isagoo ka duulaya barnaamijka wax-qabadka xukuumadda ee Hormarinta Wax-soo-saarka iyo kobcinta Dhaqaalaha, wuxuu xubnaha magacyadoodu hoos ku xusan yihiin u magacaabay Guddiga dardargelinta Ganacisga Puntland.

Magacyada Xubnaha Guddiga:

1- Wasiir. Maxamed Faarax Maxamuud Guddoomiye

2- Wasiir. Cumar Cabdisamad Yuusuf (Dhuux) Xubin

3- Wasiir. Shaakir Maxamed Guuleed Xubin

4- Wasiir. Axmed Shire Siciid Xubin

5- Mudane. Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad Xubin

6- Dr. Carshe Maxamed Siciid Xubin

Waajibaadka Guddiga:

1- Qiimeynta iyo ka talo bixinta dib u habeynta iyo tayeysiinta Maxjarada Xoolaha ee Puntland si kor loogu qaado dhoofka Xoolaha nool.

2- Qiimeynta iyo ka talo bixinta horumarinta kaabayaasha ganacsiga sida Dekadaha iyo Kastamyada kale.

3- Qiimeynta iyo sare u qaadista ganacsiga Puntland kala dhexeeya deegaanada Soomaalida kale iyo Dowladaha Deriska ah.

Haddaba, xubnaha gudiga waxaa la farayaa in ay waajibaadka loo igmaday u gutaan si masuuliyadu ku dheehantahay, islamarkaana shaqadooda ku soo dhammeeyaan muddo 2 bilood gudahood ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com