Madaxweyne Deni oo Kormeeray Maxkamadda Sare ee Gobolka Nugaal iyo Wasaaradda Maaliyadda Garoowe

HomeWararka

Madaxweyne Deni oo Kormeeray Maxkamadda Sare ee Gobolka Nugaal iyo Wasaaradda Maaliyadda Garoowe

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Maxkamadda sare ee Golabolka Nugaal iyo Wasaaradda Maaliyadd

PUNTLAND: 17.735 Aarday ayaa ufariistay maanta Imtixaanka Dugsiyada Sare iyo hoose (Warbixin)
Warkii Duhurnimo ee Daljir iyo Xuseen Cabdi Jimcaale (DHEGAYSO)
Daawo damaashaadkii Ciidka iyo magaalada dhaqanka ee Qardho (sawiro)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeer shaqo ku tegey Maxkamadda sare ee Golabolka Nugaal iyo Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe.

Kormeerka Madaxweynaha ayaa waxaa ku wehelinayey masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha dowladda Puntland iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ugu horayn kormeeray Xarunta Maxkamadda sare ee Golbolka Nugaal, waxaana uu Madaxweynuhu uga gollahaa kormeerkan korjoogtaynta shaqooyinka baaxaddale ee ay hayaan hawlwadeenada Maxkamadda, sare u qaadidda iyo tayaynta Golaha Garsoorka Puntland.

Kusimaha Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka Madaxtooyada Puntland Cabdicasiis Maxamuud Maxamed ayaa ka warbixiyey Kormeerka Madaxweynaha.

“Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kormeer shaqo ku tegey Maxkamadda sare ee Gobolka Nugaal, Madaxweynaha iyo masuuliyiinta kale ee ku wehelinayey Kormeerka ayaa mid mid u galay xafiisyada Maxkamadda, waxaana uu Madaxweynuhu kulan Gaara la qaatay Guddoomiyaha, xeer ilaaliyaha iyo dhammaan hawlwadeenada Maxkamadda” Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

“Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeer shaqo ku tegey Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee magaalada Garoowe, waxaa uu Madaxweynuhu kulan gaara la qaatay Masuuliyiinta Wasaaradda iyagoon ka wada-hadlay Tayaynta iyo kobcinta dakhliga dowladda iyo miisaaniyaddaba”Ayuu yiri Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada Puntland.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: