Haweenka Xildhibaanada ee u ambabaxay dalka Turkiga ayaa ka kooban 20-Xildhibaan,waxaana sidoo kale qeyb ka ah safarka Dahabo Xasan Axmed oo ka socota Hay’adda Hear Women oo fidisay kulanka aqoon kororsiga ee ka dhacaya dalka Turkiga.

Xildhibaan Dr. Mina Xasan Maxamed oo ka tirsan Golaha shacabka Baarlamaanka Soomaaliya oo warbaahinta Qaranka kula hadashay gudaha Garoonka Aadan Cadde ka hor inteysan dhoofin ayaa sheegtay in tababar soconaya mudo todobaad ah ugu ambabaxeen dalka Turkiga,waxayna rajo wanaagsan ka muujisay in wax badan oo qibrad ah ka soo faa’idi doonaan howsha ay u baxeen.

Waxay sheegtay in tababarka ay u socdaan dan weyn ugu jirto,islamarkaana rajeyneyso iney aqoon wanaagsan kala soo laabtaan Turkiga.

Senator Saciido Xasan Cusmaan oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Hay’adda Hear Women uga mahad celisay casuumaddan aqoon isweydaarsiga oo ay u fidisay,waxayna tilmaantay iney wax badan ka soo faa’ideysan doonaan mudada ay joogaan dalka Turkiga.

Ugu dambeyntii,mudada Xildhibaanada Haweenka Labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya ay ku sugan yihiin dalka Turkiga waxay la kulmi doonaan Haweenka ku jira Baarlamaanka dalkaasi oo ay ka wada arrinsan doonaan sidii xiriir wanaagsan u yeelan lahaayeen Labada Baarlamaan gaar ahaan Haweenkooda.

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *