Madaxweyne Deni oo ka hadlay Amniga, gurmadkii fataahadda Qardho iyo xanuunka Coronavirus. (Daawo)

Madaxweyne Deni oo ka hadlay Amniga, gurmadkii fataahadda Qardho iyo xanuunka Coronavirus. (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa ka hadlay Amniga, gurmadkii fataahadda Qardho iyo xanuunka Coronavirus.

Madaxweynuhu wuxuu bogaadiyey howlgalkii Ciidamada amnigu maanta ka sameeyeen Boosaaso kaasi oo lagu fashiliyey weerar ay argagixisadu soo maleegtay.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu ka hadlay arrimaha gurmadka Qardho iyo sida uu u socdo, wuxuu u mahadceliyey dhammaan cidkasta oo ka qeyb qaadatay gurmadka, guddiyadii iyo dhinacyadii kale duwanaa ee ka shaqeynayey.

Halista xanuunka Covid-19 ayuu Madaxweynuhu bulshada uga digay, wuxuuna ugu baaqay dadka in ay qaataan fariimaha iyo talooyinka ay bixinayaan Hay’addaha Caafimaadka u qaabilsan Dowladda

Hoos ka daawo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com