MADAXWEYNE DENI: “AFARTA DHINAC CIIDAMO AYAA NALAGA DHIGAY”

MADAXWEYNE DENI:  “AFARTA DHINAC CIIDAMO AYAA NALAGA DHIGAY”

Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdillahi Deni oo waraysi gaar ah siiyay laanta Afka Soomaaliga ee BBC-da, ayaa sheegay in aanay war u heyn shirka berito la sheegay inuu ka furmayo teendho ku taalla garoonka ciidamada cirka ee Afisyooni ee magaalada Muqdisho, kaas oo looga hadlayo khilaafka ka taagan doorashada Soomaaliya.

Madaxweyne Deni ayaa ku adkeystay in khilaafka doorashada ka taagan ka hor laga hadlo arinta ciidamada oo uu sheegay inay si gaara u isticmaalayaan madaxda Dawladda Federaalka, wuxuuna ku eedeeyay in xalay illaa saaka ay ciidamo dheeraada soo dhoobeen aagga uu ku yaalo garoonka Aden Cadde oo ay iyagu dagan yihiin.

Wuxuu yiri Deni: “Waxaan halkaan nimid ka dib markii aan marti qaad ka helnay beesha caalamka gaar ahaan James Swan iyo Yama Moto oo aad baryahaan ugu howshanaa sidii dhinacayada la isugu keeni lahaa ka dib markii uu dhammaaday muddo xileedkii hay’adaha dastuuriga ah ee Dowladda Federaalka,Muddadii aan joognay waxaan wadahal la yeelanay beesha caalamka iyo dad badan oo Soomaali ah oo ay ugu muhiimsan yihiin madaxdii hore oo hadda ku mideysan Midowga Murashaxiinta.”

“Muddadii aan joognay dhinaca xukuumadda ma jirin cid nagala hadashay ma jirin waxayna u muuqaaysay inaysan diyaar u ahayn imaansheheena.”

Waxaa uu intaasi kusii daray “Shirka berri furmayo ilaa hadda wax arsmi oo aan ognahay oo hadda u fadhino ma jirto, balse waxaa taas ka sii daran, maxaaba shir laga qeyb galaa meeshii aan u maleeynaynay inay aamin tahay oo ay Ammisom tiri anagaa amnigeeda sugeeyna oo ay Beesha Caalamka nagu casuntay ayaa xalay nalagu soo weeraray oo afarta dhinac ciidamo nagala dhigay, waxaana ciidamaasi u fasiranay inay la mid yihiin kuwii 19-kii Febaraayo weeray Ma’da.”

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir. com.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com