Madaxweynaha Soomaaliland oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Soomaaliland oo Magacaabis sameeyay

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-564/102020 iyo JSL/XM/XKQ/222/1-562/102020 uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey laba masuul.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynaha Sidatan:-

Wareegto Madaxweyne

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS

Ku: Cumar Abokor Jaamac;

Maareeye Ku-xigeenkii hore ee Hay’adda Dekedaha Somaliland

Og: Maareeyaha Hay’adda Dekedaha Somaliland

Mudane,

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad hore ugu haysay.

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Somaliland, Qodobka 90aad;

Markaan Tix-geliyey: Ahmiyadda ay Hay’adda Dekedaha Somaliland u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan ku Qancay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In Mudane, Cali Siciid Saleebaan, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeye Ku-xigeenka Hay’adda Dekedaha Somaliland.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com