Madaxweynaha Somaliland:” Dowladda Soomaaliya cunaqabateyn dhaqaale ayay na saartay”

HomeWararka

Madaxweynaha Somaliland:” Dowladda Soomaaliya cunaqabateyn dhaqaale ayay na saartay”

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb galay munaasabadda 26-ka Junne ayaa sheegay in muddadii ay jirtay Somaliland ay ku guuleysteen

Peter de Clercq,”Beegsiga Shaqaalaha Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Hoos Buu u Dhacay’
Boosaaso, Lacagta Ka Imaanaysa Koonfurta oo La Diidey, Meherado Xiran iyo Sarifka oo Hoos u Dhacay (dhegayso)
Gaadiidleyda Bajaajta Garoowe oo shaqo Joojin sameeyay (dhegayso )

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi oo ka qeyb galay munaasabadda 26-ka Junne ayaa sheegay in muddadii ay jirtay Somaliland ay ku guuleysteen in la qabto Toddoba doorasho oo ay saddex madaxweyne isku beddeleen si nabadgelyo ah oo qof iyo cod ah & laba gole oo Baarlamaan, isaga oo sheegay in aNabadgelyada Soomaliland dadaal farabadan lagu bixiyay.

Madaxweynaha Somaliland oo ka hadlayay arrmaha dowladda Soomaaliya ayaa sheegay in looga taag la’yahay kolba shir ay u qabtaan dawlado shisheeye, kaas oo uu sheegay in lagu soo magacaabayo dad faro-ku-tiris ahi inay madaxweyne iyo Baarlamaan doortaan.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Soomaaliy ay dagaal qaawan kusoo qaadday Somaliland, dhinaca dhaqaalahana cunoqabatayn ka saartay, kana xayirtay 60 Milyan oo dollar, islamarkaana ay dagaal kale ka gashay horumarka Somaliland u soo kordha oo ay safka hore kaga jirto ballaarinta dekedda Berbera sida uu hadalka ku dhigay.

Dhowr jeer oo hore ayaa Madaxweynaha Somaliland waxaa uu siyaabo kala duwan Goobo fagaaro ah eedeyn ugu jeediyay Madaxda dowladda federaalka ah ee Soomaaliya, taas oo sababtay in uu sii xoogeysto khilafka Somaliland iyo dowladda Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: