Madaxweynaha Puntland oo u safray Dalka Kenya

Madaxweynaha Puntland oo u safray Dalka Kenya

Madaxweynaha Puntland Saciid cabdullaahi Deni ayaa safar deg deg ah waxaa uu ugu ambabaxay Magaalada Nairobi ee dalka Kenya, kadib heshiis laga gaaray qodobada la xiriira doorashooyinka lana soo saaray jadwalka doorashada Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa waxaa ay kasoo baxayaan safarka Madaxweynaha puntland ee Nairobi, waxaana wararka qaar ay sheegayaan in uu halkaasi kula kulmi doono Madaxa Arrimaha Sirdoonka u qaabilsan Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika Xuseen Darwiish Al Shamsi, kaas oo degan hotelka Foru Points, oo ku dhexyaala garoonka diyaaradaha ee Joma Kenyatta.

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in uu loolan adag u galayo sidii sameyn muuqata uu ugu yeelan lahaa doorashooyinka Soomaaliya,waxaana jira kulamo uu Muqdisho, Dhuusamareeb iyo Baydhabo uu uga qeyb galay oo looga hadlayay Arrimaha doorashooyinka Soomaaliya.

Madaxa Arrimaha Sirdoonka u qaabilsan Imaaraadka Carabta ee Geeska Afrika Xuseen Darwiish Al Shamsi oo ku sugan Nairobi, imaraadkana u qaabilsan doorashada Soomaaliya ayaa dhawaan waxaa sidoo kale la kulmay

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com