DFS oo sheegtay in saraakil sare oo Alshabaab ah lagu dilay howlgal

HomeWararka

DFS oo sheegtay in saraakil sare oo Alshabaab ah lagu dilay howlgal

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ,waxaana saraakiisha howlgalka hogga

Madaxweyne Geelle: “Qalbigan ka ooynaa markii aan maqalno in qarax ka dhacay Soomaaliya”
Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Madar (dhegayso)
Roobabkii Gu’ga iyo Geyiga Dhuludug (Puntland): 2 Juun 2019 (sawirro | muuqaal)

Ciidanka Xoogga dalka Soomaaliya ayaa howlgal Qorsheysan ka fuliyay degaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha Hoose ,waxaana saraakiisha howlgalka hoggaamineysay ay sheegeen inay dileen saraakiil ka tirsan Al-Shabaab.

Howlgalka oo Maanta ka dhacay degaanka Bariire ee gobolka Shabellada Hoose ayaa Taliyaha Ururka 143 ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Dhamme Axmed Xasan Siyaad oo la hadlay Idaacada ciidamada qalabka sida uu sheegay in lagu dilay Madaxii Hoobiyaasha Al-Shabaab.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in howlgalkaas lagu dilay 17 Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, sidoo kale ay burburiyeen Xarumo ay ku sugnaayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab, wallow faah faahin dheeraad ah aysan bixin.

Taliye Axmed ayaa Magaca Sarkaalka la dilay ku sheegay Abuu Nuur Mukhtaar oo ku magac dheer gaabshe isago oo Al-Shabaab u qaabilsanaa heynta iyo tuurista hoobiyaasha.

Warkaan kasoo yeeray saraakiisha Ciidamada Millateriga Soomaaliya ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli degaano iyo degmooyin ka irsan gobolkaas ay mararka weeraro ka geystaan Ururka Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: