Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Puntland an laga taageerin la dagaalanka Aragagixisada (Daawo)

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo sheegay in Puntland an laga taageerin la dagaalanka Aragagixisada (Daawo)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda, wux

Warka Maanta ee maalinka JIMCAHA iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Madaxweynaha Cusub ee Hirshabeele Waare oo Talabaadisi ugu Horeysay Ku Magacaabay Gudoomiye
RW Khayre,”Shacabka Soomaaliyeed Waa Inay u Midoobaan Argagixisada”

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa caawa ka hadlay Amniga Guud ee Puntland, Qorsheeyaasha dhinaca Amniga ee socda, wuxuuna ka tacsiyeeyay geerida alle ha u naxariistee Guddoomiyihii Gobolka Mudug Axmed Muuse Nuur oo maanta arxan laawayaasha ah cadowga ummada Soomaaliyeed ay ku dileen Gaalkacayo.

Madaxweyne Deni ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyay geerida Guddoomiyihii Gobolka Mudug, isagoo sheegay in falkaasi argagixiso uusan niyadjab iyo baaqsasho ku keenayn shaqada socota, howlgalada amni ee argagixisada lagusoo afjarayona ay sii socon doonaan inta laga sifeynayo dalka. Madaxweynaha ayaa sheegay in cadaaladda la marinayo dadkii ka danbeeyay dilkii Guddoomiyihii Gobolka Nugaal, iyo sidoo kale dadka lagu helo baaritaanada socda ee dilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug.

Wuxuu Madaxweynuhu Bulshada la wadaagay in dhammaan xubnaha argagixisada ah ee ka danbeeyay weerarada noocan oo kale ah in cadaaladda la horgeyn doono la xukumi doono, ciqaabtoodana lagu fulin doono fagaare Bulshada horteeda.

Dowladda Puntland waxay dagaal kula jirta argagixisada ah cadowga Puntland iyo guud ahaan ummada Soomaaliyeed, Ciidamada geesiyaasha ah ee Puntland waxay howlgalo amniga lagu sugayo ka wadaan magaalooyinka waa weyn, waxay fashiliyeen weeraro la maleegayey iyagoo qabqabtay unugyada argagixisada ee magaalooyinka.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni wuxuu wax laga xumaado ku tilmaamay in Puntland iyo Ciidamadeeda aysan illaa iyo hadda jirin cid gacan ka siisay la dagaalanka argagixisada iyadoo ay wadamo iyo hayáddaha taageera Soomaaliya ay sheegaan in ay Soomaaliya ka taageeraan Amniga. Wuxuu sheegay Madaxweynuhu in aysan jirin wax taageero Ciidan ah oo ay Puntland hesho.

Ugu danbeyn Madaxweynaha ayaa ugu baaqay Shacabka Puntland inay doorkooda ka qaataan illaalinta amniga iyo horumarka Puntland, wuxuu si gaar ah Madaxweynuhu fariin ugu diray dhallinyarada reer Puntland inay dowladda kala shaqeeyaan amniga.

Hoos ka daawo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: