Tuli Guuleed oo matoorada waraabka ugu deeqday Gabogabo

Tuli Guuleed oo matoorada waraabka ugu deeqday Gabogabo

Xafiiska Beeraha iyo Horumarinta Kheyraadka Dabiiciga ee degmada Tuli Guuleed oo kaashanaya xafiiska dooxooyinka iyo waraabka ayaa matoorada soo tuura biyaha ugu deeqay laba iskaashato oo ku hawlan waxsoosaarka khudaarta iyo geed-midhoodka santarka Gabogabo ee dagmada Tuli Guuleed ee gobolka Faafan.

Gabogabo ayaa kamid ah tuulooyinka leh durdurada dabiiciga ah.

Bulshada beeraleyda ee ku dhaqan Gabogabo oo hadda kahor aan nasiib u yeelan ka faa’iidaysiga biyaha dabiiciga ah ayaa sannadkan laga hirgaliyey iskaashatooyinka waxsoosaarka khudaarta iyo geed-miroodka.

Maamulka Xafiiska Beeraha ee dagmada Tuli Guuleed ayaa sheegay in ay qalabkan matoorada waraabka biyaha gaadhsiin doonaan tuulooyinka ay dhulkoodu ku haboonyihiin waxsoosaarka khudaarta iyo geed-miroodka.

 

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com