HomeUncategorized

Madaxweynaha Puntland oo Muqdisho u Aaday Shir

Axad, Oktoobar 18, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug Puntland , iyagoona ku sii jeeda magaalada Muqdisho oo uu madaxweynuhu uga qeyb-galayo shir looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka.

(Dhagaso) Khamiis 14- April – 2016 Warkii Fiidnimo ee Radio Daljir Caawa Wariye Cabdixakiin Xuseen Xassan
Hogaamiyayaasha madasha iyo gudiga doorashada Soomaaliya oo kulmay.
Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay inuu sii socon doono howlgalka lagu qabtay Baardheere

Axad, Oktoobar 18, 2015 (Daljir) —Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo wefdi balaaran oo uu hogaaminayo ayaa maanta ka dhoofay garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yusuf ee magaalada Gaalkacyo xarunta Gobalka Mudug Puntland , iyagoona ku sii jeeda magaalada Muqdisho oo uu madaxweynuhu uga qeyb-galayo shir looga hadlayo doorashooyinka 2016-ka.

Wefdiga Madaxweynaha oo isugu jira Wasiiro iyo Xildhibaano ayaa waxaa garoonka ku sagootiyey Wasiiro, Maamulka Gobalka Mudug, Maamulka Degmada Gaalkacyo, Waxgarad, Haween , Dhalinyaro iyo Masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo inta uusan ka amababixin garoonka la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in magaalada Muqdisho uu ugu qeyb-galayo shir muhiim oo doorashooyinka 2016-ka looga hadlayo.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in shirkaasi ay Puntland ka soo jeedinayso markale aragtideeda ku aadan doorashada 2016 , mowqifka Puntland uu yahay mid cad oo dani ugu jirto guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed.

19-September ee sanadkaan ayey ahayd markii uu Madaxweynaha iyo Wefdi balaaran oo uu hogaaminayey Muqdisho uga qeyb-galeen shir gogol xaar u ahaa shirka lagu wado in Muqdisho uu ka furmo

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: