HomeUncategorized

Wasiirka Gaashaandhiga oo sheegay inuu sii socon doono howlgalka lagu qabtay Baardheere

Khamiis, Luuliyo 23, 2015 (Daljir)—Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalada ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Wuxuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baardheere oo ahayd goob muhiim ah oo kooxaha Al-shabaab ay kasoo maleegi jireen falalkooda gurracan.rn

Madaxweynaha oo saxiixay sharciga dhismaha gudiga xuquuqda aadanaha.
Qaramada midoobey oo war kasoo saartay dagaalada Galkacyo.
DHEGEYSO-Qaadista canshuuraha gaadiidka oo ka socda magaalada Qardho.
Khamiis, Luuliyo 23, 2015 (Daljir)—Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. C/qaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ugu hambalyeeyay Ciidamadda Xoogga dalka Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afrika ee  AMISOM guulaha waaweyn ee ay ka gaareen howlgalada ka socda qaar kamid ah gobollada dalka. Wuxuna si gaar ah uga hadlay la wareegitaanka degmada Baardheere oo ahayd goob muhiim ah oo kooxaha Al-shabaab ay kasoo maleegi jireen falalkooda gurracan.
 
Gen Diini, ayaa sheegay ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya iyo saaxiibada AMISOM in ay wadeen xilliyadii ugu danbeeyey weerar ballaaran oo saddex geesood ah oo lagu xoreynayay meelaha ay weli ku sugan yihiin kooxda nabad diidka ah ee Shabaab, isagoo xusay in gulufkan uu qayb ka yahay dadaalka dalka looga sifaynayo Ururka Al-Shabaab.
 
“Ciidamadeenna geesiyaasha ah iyagoo ka duulaya waajibaadka qaran ee saaran iyo difaacidda dalkooda hooyo, waxay qaadeen dhowr weerar oo ka socda aagagga kala ah Jubbooyinka, Bay iyo Bakool.
 
Weeraradaasi oo natiijo fiican laga gaaray, waxaa lagu xoreeyey dhul ballaaran oo ay ka mid tahay degmada muhiimka ah ee Baardheere, tuulooyin iyo dhul miyi ah” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhigga Gen. C/qaadir Sh. Cali Diini oo intaasi raaciyey in ciidamadu ay xasilin doonaan degaanada ay gacanta ku dhigeen, ayna sii wadayaan gulufkan ka dhanka ah meelaha ay joogaan maleeshiyada Shabaab.
 
“Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, waxay xilliga dhow ee soo socda qaban doonaan degaano muhiim ah oo laga saari doono kooxda Shabaab ee caadaysatay daadinta dhiigga dadka Soomaaliyeed ee Muslimiinta ah iyo burburinta hantidooda.
 
Howlgalladan waxay qayb ka yihiin qorshe ballaaran oo guud ahaan dalka lagu xasilinayo dhammaadka sannadkan, waxana rajayneynaa in shabaab la soo afjaro sannadkan gudihiisa”ayuu raaciyey Wasiir Diini.
 
Ugu danbeyn, Wasiirka ayaa hambalyo u diray ciidamada geesiyaasha ah ee xoogga dalka Soomaaliya iyo saaxiibadooda AMISOM, waxuna ku bogaadinayay xoojinta guushan la gaaray. Isagoo ugu baaqay shacabka degmada Baardheere in ay la shaqeeyaan Ciidamadda si loo sugo amnigooda.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: