Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay Maxaabis

Madaxweynaha Puntland oo Cafis u fidiyay Maxaabis

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa cafis u fidiyay 66 maxbuus oo kamid ah maxaabiista ku xiran xabsiyada Maamul Goboleedka Puntland.

Wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweyne Deni ayaa lagu cafiyay maxaabiistan oo danbiyo kala duwan loo haystay inkastoo aan magacyadooda la shaacin.
Madaxweynaha Maamulka Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowlad Goboleedka Puntland Qodobkiisa 80-aad farqadasiisa 11naad

Markuu tixgeliyey: Talo soo jeedinta Wasiirka Cadaaladda, Arrimaha Diinta iyo Dhaqan celinta.

Wuxuu xeeriyey:

1.Waxaa cafis guud loo fidiyey fadliga bisha barakeysan ee Ramaddan iyo xaalada caafimaad ee caabuqa Covid-19 awgeed 66 maxbuus oo ku kala xiran xabsiyada Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com