Madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Hiirshabeele oo kulmay

Madaxweynaha Puntland iyo madaxweynaha Hiirshabeele oo kulmay

Madaxweynayaasha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo Hirshabelle ayaa kulmay hoyga uu ka deganyahay magaalada Muqdisho madaxweynaha Puntland Deni.

Labada Madaxweyne ayaa ka wada hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee siyaasada iyo doorashooyinka dalka gaar ahaan shirka wada tashiga ee la rajaynayo inuu magaalada Muqdisho uga furmo madaxda Dowlada Federalka iyo kuwa dowlad goboleedyada iyo weliba Maamulka gobolka Banaadir.

Kulankan ayaa la sheegay in labada madaxweyne ay ka heshiiyeen madmadow soo kala dhex galay ka dib markii Waare oo maalmo ka hor u sugnaa Baydhabo uu si kulul u weeraray hab dhaqanka Madaxweyne Deni iyo Axmed Madoobe oo ka hor yimid ka qeyb galka shirkii Dhuusamareeb 3.

Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa qudbad uu dhowaan ka jeediyay magaalada Baydhabo waxa uu ku sheegay in ay jiraan shaqsiyaad aan rabin in xal rasmi ah laga gaaro muranka baahsan ee arrimaha doorashooyinka, oo muddooyinkii dambe abuuray jahwareer siyaasadeed, isagoo tusaalena ugu soo qaatay iney la mid yihiin sida Atlaskii reer Giriigga ee aaminsanaa inuu isagu dhabarka ku sido culeyska caalamka oo dhan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com