Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo Awaamir soo saaray

Madaxweynaha Maamulka Somaliland oo Awaamir soo saaray

Golaha Wasiiradda Somaliland oo kulan ka yeeshay Xaaladda Ammaan ee degaanada maamulka Somaliland ayaa sheegay in la adkeyn doono Ammaanka Magaalooyinka waa weyn ee Somaliland.

Kal-fadhigii 41-aad ee golaha wasiirradda Somaliland, oo uu shir gudoominayey Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa lagu lafo-guray arrimaha nabad-gelyada oo maalmihii ugu dambeeyay degaano ka mid ah ay ka dhacaayeen falal lidi ku ah Ammaanka.

Waxa kulankan diirada lagu saaray adkaynta amniga waxaanu goluhu ku dheeraadeen ahmiyada weyn ee nabadgelyadu u leedahay dalka iyo dadka iyagoo hoosta ka xariiqay in cid kasta oo lidi ku ah amniga laga qaado tallaabo sharciga waafaqsan, oo aan loo dulqaadan cid kasta oo ku hawlan nabadgelyo daro iyo hurinta colaadaha soo noqnoqday.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa ku amray Hay’addaha Ammaanka in ay gacanta kusoo dhiggaan shaqsiyaad uu sheegay in Ammaan daro ay ka waddaan degaano ka mid ah Somaliland oo gobolka Sanaag ay qeyb ka tahay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com