Madaxweynaha Jubbaland oo soo dhaweyeey Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS

Madaxweynaha Jubbaland oo soo dhaweyeey Ra’iisul wasaaraha cusub ee DFS

Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa soo dhaweeyay magacaabida Wasiirka Koowaad ee Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble.

Waxaa Madaxweynahu uu Alle uga baryay Ra’iisul Wasaaraha Cusub in uu la garab galo shaqada Culus ee hortaala xiligan kala guurka ah oo dalka ay tahay inay ka dhacdo Doorasho ku qabsoonta wakhtigeeda.

Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed ayuu Madaxweynahu ugu baaqay inay ku gacan siiyaan Ra’iisul Wasaaraha Cusub shaqada adag ee hortaala si looga dhabeeyo himilooyinka Shacabka Soomaaliyeed ee dhinacyada kala duwan isla marakan uu shaqadiisa uga soo dhalaalo sida ugu wanaagsna.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com