Madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray dhoobleey

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo maanta gaaray dhoobleey

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Socdaal dhinaca cirka ah ku tegay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoos

Saaka & Dunida iyo Jamaal Faarax Aadan, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
Ilmo labo bilood jira oo qoys reer Afghanistan ka lumay xilli ay ka baxsanaayeen Taalibaan
Dhuusamareeb: Maxaad ka ogtahay Labo kursi oo Golaha Shacabka ah oo loolan adag galidoona?

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta Socdaal dhinaca cirka ah ku tegay Magaalada Dhoobley ee Gobolka Jubbada Hoose.

Wafdiga Madaxweynaha oo ka ambabaxay Magaaada Kismaayo ayaa waxaa ku wehelinaya safarkiisa Xubno katirsan labada gole ee Jubaland iyo Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha oo maalmo kahor soo gaabiyay safar shaqo oo uu dhoobley ku joogay ayaa Magaalada Kismaayo waxaa uu ku daah furay Kal-Fadhiga labaad ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Jubbaland.

Madaxweynaha waxaa inta uu ku sugan yahay dhoobley uu la kulmi doona Saraakiisha Ciidamada iyo qaybaha kala duwan ee Bulshada ku nool deegaankan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: