Ilmo labo bilood jira oo qoys reer Afghanistan ka lumay xilli ay ka baxsanaayeen Taalibaan

Ilmo labo bilood jira oo qoys reer Afghanistan ka lumay xilli ay ka baxsanaayeen Taalibaan

19kii Ogosto, afar maalmood uun ka dib markii ay Taliban qabsadeen Kabul, Mirza Ali Ahmadi iyo xaaskiisa Surayya oo ay weheliyaan shan carruur ah ayaa isku dayay in ay baxsaddaan waxaa la sheegay si ay darbiga uga boodaan in cunuga yar ay u dhiibteen Askariga ka dibna ay kala lumeen, balse ujeedkooda ayaa ahaa in ay helaan waddo ay ka gudbaan maadaama uu cunugoodii gudaha ku jiro.

Mr. Ahmadi, xaaskiisa oo 32 jir ah iyo caruur kale oo ay dhaleen, 17, 9, 6 iyo 3 sano jir ah, ayaa ugu dambayntii la saaray diyaarad u socotay Qatar ka dibna Jarmalka oo ugu dambeyntii ka degtay Mareykanka. Qoyskan ayaa hadda ku sugan Fort Bliss ee Texas iyadoo ay la socdaan qaxooti kale oo Afgaanistaan ​​ah oo sugaya in la dejiyo meel ka mid ah waddanka.

Axmed waxaa uu muddo dheer Ilaalo ka ahaa Safaaradda Mareykanka eek u taalla Kaabul.

Waxaa uu sheegay in uu u qabay in wiilkiisa yar la saaray qeybta diyaaradda ee Askarta balse markii ay diyaaradda ka degeen in uu waayay Askarigii iyo sidoo kale cunugiisii yaraa.

Waxa uu aad ugu dadaalay sidii uu u heli lahaa raadadka Sohail, isaga oo gargaar ka raadsanaya qof kasta oo uu la kulmo, sida shaqaalaha gargaarka iyo saraakiil Maraykan ah.

“Qof walba waxa uu ballan qaadayaa in uu samayn doono wax walba oo karaankiisa ah, laakiin waa ballanqaadyo,” ayuu yidhi.

“Waxa kaliya ee aan qabanayo waa ka fikirida ilmahayga. Qof kasta oo i soo wacaya, hooyaday, aabbahay, walaashay, dhammaantood way ii qalbi qaboojiyaan oo waxay igu yidhaahdaan, Ha welwelin, Ilaah baa roon, wiilkaaga waa la heli doonaa,” ayay tidhi Surayya.

Labo mid ayay u badan tahay in cunugiisa uu ku maqan yahay in gudaha dalka wali uu ku jiro oo aan diyaaradii la saarin iyo in kooxda Taalibaan ay gacanta ku dhigtay oo ay geysay goobaha carruurta lagu xanaaneeyo.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com