Dhuusamareeb: Maxaad ka ogtahay Labo kursi oo Golaha Shacabka ah oo loolan adag galidoona?

Dhuusamareeb: Maxaad ka ogtahay Labo kursi oo Golaha Shacabka ah oo loolan adag galidoona?

Guddiga doorashada maamulka Galmudug ayaa shaaciyay in maalinta berri ay qaban doonaan doorashada labo kursi oo ay ku tartami doonaan musharaxiiinta doorashada Xildhibaanada golaha shacabka.
labada kursi ayaa kala ah Hop043 iyo Hop067 oo ah kursi uu muran badan ku gadaaman yahay.

Natiijada kuraastan ayaa ah kuwa la sii og yahay sida doorashadii maanta ka dhacday magaalada Dhuusamareeb oo la sii saadaaliyay.

Labada Kursi mid ka mid ah waxaa hadda doonaya in uu qaato taliyaha KMG ah ee NISA oo maalmihii la soo dhaafay uu ka taagnaa buuq xooggan oo ka dhashay habka loo maamulay kursigaasi.
Kursiga labaad ayaa lagu waddaa in uu ku guuleysto Xuseen Iidow kaasoo ku fadhiyay afartii Sano ee lasoo dhaafay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com