Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo kulan la qaatay masuuliyiin ka tirsan

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo

Saaka & Dunida iyo Xuseen Cabdi Jimcaale Madar (dhegayso)
Maamulka DDS oo xaliyay muran ka taagnaa dhul laysku haystay (dhegayso)
Xulashada Daljir & Xuseen Madar, Daljir Bosaaso (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam, ayaa maanta hab maqal iyo muuqaal ah kulan kula qaatay Agaasimaha Gobolka ee Bariga, iyo Geeska iyo Harooyinka Waaweyn ee Afrika, ahna Wakiilka Sare ee Qaramada Midoobay ee UNHCR Clementine Awu Nkweta Salami, iyo Ergayga Gaar ah ee Hay’adda Qaxootiga Qaramada Midoobay u qaabilsan Geeska Africa, Danjire, Maxamed Cabdi Affey iyo xubno kale.

kulanka ayaa lagaga hadlay sidii loo dardar galin lahaa tageerada dadka qoxootiga ah ee sida iskood ah dalka ugu soo noqonaya iyo saamaynta go’aanka Dowlada Kenya ay ku xirayso xeryaha qoxootiga ay ku yeelan karto, waxaa kale oo kulanka lagu falanqeeyay wax ka qabashada baahiyaha ay qabaan dadka gudaha dalka ku barakacay.

Waxaa Madaxweynaha kulanka ku wehelinayay Gudoomiyaha gudiga qoxootiga iyo barakacayaasha Jubaland Eng Cabdi Xuseen Maxamed.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: