Madaxweynaha Jubbaland oo Fariin u diray xildhibaanda labada Aqal

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo Fariin u diray xildhibaanda labada Aqal

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa baaq u jeediyay Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland. Axmed Mad

Tartan iyo Tacliin iyo natiijooyinka tartamadii xalay (dhegayso)
Wasiir Maxamuud Beeldaaje oo ka Hadlay Socdaalkii Af Urur iyo waxa ay kala Kulmeen (dhegayso)
Addis Ababa: Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ka shiraya xaalada Soomaaliya

Madaxweynaha Maamul goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe ayaa baaq u jeediyay Xildhibaanada laga soo doorto Jubbaland.

Axmed Madoobe oo ka hadlayay kulan uu la yeeshay Xildhinaada Labada Aqal ee Baarlamaank ku Matala Jubbaland ayaa ugu baaqay Xildhibaanada in ay Ansixiyaan Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo sidoo kale heshiis kii doorashooyinka ee dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

Axmed Madoobe ayaa sheegay in ay jiraan howlo badan oo la doonayo in la dar-dar galiyo, waxaana uu sheegay in ay muhiim tahay Ansixinta Ra’iisul Wasaaraha dhawaan la magacaabay iyo heshiis kii doorashooyinka ee dhawaan muqdisho lagu soo gaba-gabeeyay.

Xildhibaanada ayaa waxaa laga sugayaa in ay Ansixiyaan Heshiiskii dhawaan Muqdisho lagu soo gaba gabeeyay ee u dhexeeyay dowladda dhexe iyo madaxda Dowlad Goboleedyada, waxaana sidoo kale laga doonayaan Xildhibaanada in ay Ansixiyaan Ra’uusul Wasaaraha dhawan la magacaabay ee Maxamed Xuseen Rooble.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: