Addis Ababa: Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ka shiraya xaalada Soomaaliya

HomeWararka

Addis Ababa: Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika oo ka shiraya xaalada Soomaaliya

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir xasaasi ah maanta waxa ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya,iyadoo shirkaasina uu ka dhici doono x

Wararkii ugu dambeyeey ee Shirka Muqdisho (dhegayso)
Canada: Dad u geeriyooda kuleel dartiis
Mid kamid ah Dhalinyaradda Boosaaso: “Dhulbahante oo kaligiis ah ayaa kula dagalamaya

Golaha Amniga iyo Nabadda Midowga Afrika ayaa shir xasaasi ah maanta waxa ay ka yeelanayaan arrimaha Soomaaliya,iyadoo shirkaasina uu ka dhici doono xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa.

Kulankan ayaa imanaya kadib markii dhowaan uu Madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday ee Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ka codsaday Midowga Afrika inay dhexdhexaadin ka galaan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka dalka Soomaaliya.

Sidoo kale kulan ay Golaha Ammanka ee Qaramada Midoobay dhowaan yeesheen waxa ay dalbadeen in Arrimaha Soomaaliya loo daayo Midowga Afrika.

Xubnaha Midowga Afrika ayaa waxaa la filayaa in shirkooda ay kusoo magacaabaan Ergey cusub oo dhex dhexaadiya saamileyda siyaasadeed ee Soomaaliya, si xal looga gaaro khilafka xoogan ee weli ka taagan doorashada Soomaliya.

Beesha Caalamka ayaa cadaadis xoog leh saareysa mas’uuliyiinta Soomaaliyeed in ay xal waara ka gaaraan khilaafka ka jira arrimaha doorashooyinka.

Diiwaanka Wararka
Radio Daljir.com.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: