Canada: Dad u geeriyooda kuleel dartiis

Canada: Dad u geeriyooda kuleel dartiis

Tobanaan ruux ayaa ugu geeriyootay wadanka Canada, kadib markii kuleyl xad dhaaf ah oo lagu arkay gobolo ka mid ah dalkaas.

Wararka ayaa sheegaya in magaalada Vancouver dad ka badan boqol ruux ay si degdeg ah ugu geeriyoodeen kuleyl awgii.

Dadka dhintey ayaa badankood ah kuwo da’ ah iyo qaar kale oo xanuunsanaa.

Shaley ayuu dalka Canada diiwaan galiyey, taariikhda heer kulkii uggu sareeyey oo gaarayey 49.5c, saddexdii maalmood oo is xig xigtey magaalada Lytton ee gobolka British Columbia.

Toddobaadkii hore iyo intii ka horeysayba, heerkulka dalkan Canada ayaanan ka sara mari jirin 45C.

Hirarka heerkulkan oo cadaadikiisu sareeyo ayaa ka imanaya dhanka waqooyiga galbeed ee Canada iyo Mareykanka.

Khuburada ayaa sheegeysa in isbaddalka cimiliada la rajeynayo inuu sara u qaado dhacdooyinka jawiga, sida hirarka kulul.

Si kastaba ha ahaatee, in la lala xiriiriyo dhacdo waliba oo timaada is baddalka cimilada dunida, waa wax aad u adag.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com