Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay kismaayo (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Jubbaland oo dib ugu laabtay kismaayo (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay

Saaka & Dunida iyo Axmed Shiikh Maxamed Tallman, Bossaso (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim (MCI), Daljir Bossaso (dhegayso)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad goboleedka Jubaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe ayaa maanta dib ugu laabtay magaalada Kismaayo, kadib safar shaqo oo uu ku joogay maalmahii lasoo dhaafay magaalada Muqdisho ee Caasimada Dalka.

Axmed Madoobe Madaxweynaha Jubbaland ayaa Muqdisho kaga qeybgalay shirkii madasha wadatashiga qaran ee Doorashooyinka dalka taas oo heshiis lagaga gaaray hanaanka Doorashada soo socota.

Sidoo kale waxaa magaalada Muqdisho lagu wadaa inay ka ambabaxaan madaxda maamul goboleedyada kale ee dalka kuwaasoo muddo labo toddobaad ku dhow ku sugnaa caasimada dalka ee Muqdisho.

Magaalada Kismaayo ayaa lagu wadaa inay tagaan wafuud ka kala socota maamul goboleedyada dalka iyo dowlada federalka si loo bilaabo fulinta heshiiska doorashooyinka.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: