Soomaaliya Baarlamaan noocee ah ayay u baahantahay ? (Waraysi)

HomeWararka

Soomaaliya Baarlamaan noocee ah ayay u baahantahay ? (Waraysi)

Intii laga soo kabtay colaadihii sokeeye, laguna guda jiray dawlad dhiska Soomaaliya siiba burburkii dawladdii millatariga ahayd kadib, hannaanka door

SAHANKA DALJIR & SSC-KHAATUMO | WIDHWIDH ILLAA BUUHOODLE
Warka Fiidnimo, Maxamed Lakiman, Daljir Boosaaso(dhegayso)
Shacabki Ay somaliland kabarakicisay Laascanood oo gargaar dalbaday

Intii laga soo kabtay colaadihii sokeeye, laguna guda jiray dawlad dhiska Soomaaliya siiba burburkii dawladdii millatariga ahayd kadib, hannaanka doorasho ee dalku wuxuu ahaa mid baarlamaan, kuwaasi oo horay hal aqal u ahaa, hase ahaatee 2016 noqday labo aqal oo kala sarreeya.

Baarlamaanku sida caadiga ah waa hay’adda ugu baaxadda weyn dawladnimada, hay’adda fulintana ku koontaroosha shaqada, kulana xisaabtanta. Haddii dhinaca kale laga fiiriyana baarlamaanku waa wiilka shacabka.

Sidaas oo ay tahay badanka waajibaadka saaran baaralaanka iyo inaha ay ka gutaanna waa kaaf iyo kala dheeri, lamana mahadin badan heer masuuliyad gudashadooda muddooyin kala duwanaa.

Haatan waa xilli kale oo baaralaan xulasho, waana fursad hortaalla dadka Soomaaliyeed ee ay mudantahay soo maqooradidda baarlamaanka cusub. Haddaba maxaa la gudboon dadkaasi, baarlamaan noocee ahse ayaa loo baahi qabaa maanta.

Cabdisalaan Salwe oo ka fallooda arrimaha dawladnimada iyo kuwa bulshaba ayaa sifaynaya sumadda baaralaan ee loo baahanyahay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0