Madaxweynaha JFS oo Talyaaniga uga qeybgalayo shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah

HomeWararka

Madaxweynaha JFS oo Talyaaniga uga qeybgalayo shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ooh shalay ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la Kulmay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa goordhaweyd gaaray hoolka Teendhada Afisyooni
Shirki Dastuurka oo Muqdisho lagu soo gabagabeyay (Warmurtiyeed)

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ooh shalay ka baxay Magaalada Muqdisho ayaa gaaray dalka Talyaaniga si uu uga qeyb-gelo Shirar heer caalami ah iyo kuwo heer gobol ah oo ka dhacaya magaalada Roma.

Wafdiga Madaxweynaha ayaa waxaa Faroonka diyaaradaha Magaalada Roma kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin katirsan dowladda Talyaaniga, iyada oo intaasi kadib la geeyay Goobo loo diyaariyay si ay u degaan.

Agaasimaha Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta, Madaxtooyada Federaalka Soomaaliya Cabdiqaadir Cali Dige ayaa Warbaahinta u faah faahiyay shirarka uu Madaxweyne Xasan sheikh uga qyeb galayo dalka Talyaaniga, wuxuuna sheegay in shirkaasi uu qeyb ka yahay mid looga hadlayo cunto yarida.

Sidoo kale Madaxweynaha Soomaaliya ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Talyaaniga waxaa uu shirar gaar gaar ah la qaadan doonaa madaxda kasoo qeyb galeysa Shirka looga hadlayo cunto yarida kajirta Caalamka, isaga oo kaa hadli doona arrimo ku saabsan Soomaaliya.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: