Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la Kulmay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo la Kulmay Wefti Ka Socda Hay’adda WFP.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Garoowe Madaxa Hay’adda Cunnada Adduunka ee WFP Mr.Cesaro Arroyo iyo Wafdi uu hoggaaminayo oo safar ku yimid Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka waxaa ku wehlinaayey kulanka xubno ka tirsan Golaha Wasiirada iyo Saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, waxaana looga wada hadlay arrimo ay ka mid yihiin, is xogwaraysi guud, wadashaqaynta Dowladda iyo Hay’adda WFP, Arrimaha bini’aadamtinimada iyo isbarasho maadaama Madaxa Hay’adda ee Soomaaliya Mr. Cesar Arroyo shaqada ku cusub yahay.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Madaxda hay’adda u sheegay in waxqabadka WFP lagu saleeyo hadba baahiyaha deegaanka ka jira ee aan korka loogu keenin waxaan waxba ka bedelayn baahidii jirtey, waxaana uu ku ammaanay shaqada ay dalka ka wadaan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com