Madaxweynaha Hirshabelle oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ra’isul Wasaarihii hore Nuur Cadde

HomeWararka

Madaxweynaha Hirshabelle oo ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Ra’isul Wasaarihii hore Nuur Cadde

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey gee

Wasiirka qorsheynta DFS oo kormeeray garoonka Diyaaradaha Caabudwaaq (dhegayso)
Caawa & Daljir iyo cXakiin Xuseen Xasan, Daljir Garoowe (dhegayso)
Guddoomiyaha Barlamaanka oo la kulmay guddiga Garsoorka, Awqaafta iyo arrimaha diinta (Sawiro)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo ku hadlaya afka Golayaasha Dowladda iyo Shacbiga Hirshabelle ayaa ka tacsiyeeyey geeridii ku timid Allaha u naxariistee Ra’isul Wasaarahii Hore ee Soomaaliya Nuur Xasan Xuseen Nuur Cade oo ku geeriyooday magaalada London.

Madaxweynaha ayaa tacsi u diray dhammaan ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Qoyskii iyo Asxaabtii uu ka geeriyooday Allaha u Naxariistee Ra’isul Wasaarihii hore Soomaaliya Marxuum Nuur Cadde.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Marxuumku door weyn ka soo qaatay Dowlad dhisida Soomaaliya, iyo horumarka hadda la heysto uu qeyb ka ahaa.

Ugu dambeyntii Madaxweyne Waare Alle uga baryay Marxuum Nuur Cadde inuu Janatul Fardawsa ka waraabiyo, Eheladiisa, Asxaabtiisa, iyo Shacabka Soomaaliyeedna Samir iyo Iimaan ka siiyo.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: