Guddoomiyaha Barlamaanka Koonfur galbeed oo la doortay

HomeUncategorized

Guddoomiyaha Barlamaanka Koonfur galbeed oo la doortay

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacdey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay ku tartameen laba musharax.

Dhagayso Caawa iyo Daljir April – 18 – 2016 Wariye Maxamed Cabdullaahi Cali Kooshin (Studio Daljir Garowe)
Madaxda gobolka Mudug oo shir la yeeshay madaxda dadka soo barakacay, lagu gorfeeyey amniga gobolka.
“Colaadda Kalshaale waxaa ay ku haboonayd in loo daayo beeluhu in ay ka heshiiyaan. ” Col. Indhayare.

Magaalada Baydhabo ee Xarunta Gobolka Baay waxaa ka dhacdey doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed oo ay ku tartameen laba musharax.

Fadhiga doorashada ayaa waxaa ku sugnaa 93 Xubnood oo ka tirsan Baarlamaanka Koonfur Galbeed,kuwaas oo musharixiinta u kala codeynayay,waxaana Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed loo doortey Xildhibaan Dr Cali Saciid Fiqi oo ahaa Safiirka Soomaaliya ee Midowga Yurub.

Labada musharax ayaa waxaa ay codadka u kala heleen 84 Cod waxaa helay Dr Cali Saciid Fiqi oo noqdey Guddoomiyaha Baarlamaanka halka 2 Cod uu helay musharixii la tartamayay ee Maxamed Cabdiraxmaan,waxaana halaabey 8 Cod.

Guddoomiyaha Guddiga doorashada Guddoonka Baarlamaanka Koonfur Galbeed ayaa ku dhawaaqey in xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed uu ku guuleystay xildhibaan Cali Saciid Fiqi.

Goordhow ayaa la guda geli doonaa doorashada Guddoomiye kuxigeenada Baarlamaanka Koonfur Galbeed,hayeeshee Xildhibaanada loo fasaxey qado iyo inay Salaad soo dukadaan.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: