Suuqyada Jigjiga oo camiran iyo shacabka oo aan weli walaac ka qabin COVID-19

Suuqyada Jigjiga oo camiran iyo shacabka oo aan weli walaac ka qabin COVID-19

Ayada oo uu isa soo tarayo faafka iyo baqdinta cudurka COVID-19 ayaa amar ka soo baxay Dowladda Federaalka waxaa lagu fasaxay dhammaan iskoolada iyo jaamacadaha Dowlad Deegaanka Soomaalida (DDS) si looga hortago faafka cudurka Coronavirus, loona yareeyo kalaqaadka cudurka.

Saas oo haddana amarku u faafsanyahay, ayaan weli waxaan wax badan iska badalin suuqa magaalada Jigjiga oo weli la is dhex-socdo, shacab iyo gadiidba. Sidoo kale goobaha shacabku ku kulmo ayaan ayagana weli aysan muuqan isbaddal mug leh ama taxaddar bulsho.

Hadal-haynta shacabka ayaa aad ugu badan sababta xukuumaddu ugu baaqday in  masaajidada la xidho iyada oo weli suuqyada Jigjiga, kafeeyada iyo maqaaxiyaha aysan ka muuqan isbaddal dhanka ganacsiga iyo isusocodka bulshada, meesha safafka salaadda lagu qiyaasay kuwo aan saddex saf gaarin.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Jigjiga

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com