Madaxweynaha Galmudug oo tababar u soo xiray dufcadii 1aad ee Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha Galmudug oo tababar u soo xiray dufcadii 1aad ee Ciidanka Daraawiishta Galmudug.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xerada ciidanka Indhaqaris ee ku taala duleedka degmada Gaalkacyo tababar ugu soo xiray dufcaddii 1aad oo si buuxda u dhammaysatay tababarkooda, kuwaasi oo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Dowladda Galmudug.

Ciidanka tababarku u xirmay ayaa soo bandhigay xirfado kala duwan oo ay barteen muddadii uu u socdey tababarku.
Wasiirka amniga Gudaha Axmed Macallin Fiqi oo goobjoog ka ahaa munaasabadda qalinjebinta ayaa sharaxaad ka bixiyay heerarkii tababarku soomaray iyo tayadda ciidamada, isagooa xusay in ciidanka jirka iyo maskaxdaba laga dhisay.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa kula dardaarmay dufcaddan qalinjabisay in ay si daacad ah u gutaan waajibaadkooda ku aadan sugidda nabadgelyada iyo la dagaalanka cadawga, Isagoona u ballanqaaday in Dowladda Galmudug diyaar la tahay xuquuqdooda.

Madaxweynaha ayaa gabagabadii munaasabaddana abaalmarinno ku guddoonsiiyay saraakiishii tababarka bixinaysay iyo askartii ugu wanaagsaneed intii uu socday tababarka.

Dufcaddan ayaa billaw u ah dhowr dufcadood oo meelo kala duwan oo Galmudug ah haatan tababar uga socda.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com