Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay diyaariyeen Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo sheegay inay diyaariyeen Ciidamo la dagaalama Al-Shabaab

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay arrimo ay

Ciidamadda Dowladda oo dhaqdhaaqyo ciidan wadda
Nabadoon Xarago “ ilaaladda Wasiirka Dekaddaha Ayaa Garigayga Kaxaystay Rasaasna igu furay “ (dhegayso)
MAANHADAL: Xaladda Covid19 Somaaliya & Saamaynta Caalamka (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor qoor) oo furay kal-fadhiga labaad ee Baarlamaanka Galmudug ayaa ka hadlay arrimo ay kamid yihiin, Amniga Dhaqaalaha iyo Siyaasadda.

Isaga oo ka hadlayay dhinaca Amniga ayaa waxaa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug inay xareeyeen dhamaan maleeshiyo beeleedyadii ku sugnaa degaannada Galmudug si ay uga mid noqdaan Ciidamada daraawiishta Galmudug.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in inta yar uu xilka haayo uu dhisay Ciidamo farabadan kuwo kalena uu haatan tababar u socdo, kuwaas oo la dagaalami doono Al-Shabaab si ay uga saaraan degaannada ay gacanta ku hayaan.

Waxaa uu sheegay in Ciidamada Galmudug dhismagooda ay noqon doonaan kuwa sii socda ilaa iyo inta laga helayo Ciidamo guud ahaan suga amniga degaannada Galmudug dhawaana tababar bloo soo xiro doono ciidamada Ururadda Horseed iyo Shabbeel.

Degaano iyo degmooyin ka tirsan labada Gobol ee Mudug iyo Galgaduud ayaa waxaa weli ku sugan Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab in kastoo aysan jirin dagaalo ka dhaca degaannada Galmudug oo u dhaxeeya Ciidamada Galmudug iyo Al-Shabaab.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: