Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo edeyn u jeediyeey dowlad gobaleedyada

HomeWararka

Guddoomiyaha gobalka Banaadir oo edeyn u jeediyeey dowlad gobaleedyada

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa ka hadlay shirkii uu uga qeyb galay Magaalada Dhuusam

Madaxweyne Farmaajo oo maanta Waraaqihii Aqoonsiga ka guddoomay Donald Yukio Yamamoto (Sawiro)
Warka Arooryo iyo Xuseen Madar, Daljir Bossaso (dhegayso)
Ciidamadda DANAB oo alshabaab degaano kala wareegay

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed ( Filish) ayaa ka hadlay shirkii uu uga qeyb galay Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug iyo go’aanadii kasoo baxay.

Waxaa uu heegay in Madaxda Sare ee Dowladda Federaalka & Maamulka Gobolka Banaadir uu qorshahoodu ahaa in dalka ka dhacdo doorasho qof iyo Cod ah, hayeeshee go’aanadaas ay kasoo horjeesteen Madaxda Maamul goboleedyada shirka ku sugnaa ee Galmudug, Hir-Shabeelle iyo Koonfur Galbeed.

Guddoomiye Cumar Filisha ayaa qiray in muddo badan laga wada hadlayay sidii Madaxda Dowlad goboleedyada looga dhaadhicin lahaa inay ogolaadaan inay dalka ka dhacdo dooaso qof iyo cod ah, hayeeshee ugu dambeyn ay iyagu tanaasuleen oo ay go’aankoda la qaateen Maamul Goboleedyada.

Shirkii Madaxweyne farmaajo iyo Madaxda Dowlad Goboleedyada uga qabsoomay Dhuusamareeb ayaa waxaa kasoo baxay in la qabto doorasho dadbadan, iyada oo qodobada qaar ay shirkaasi kasoo baxay ay kasoo horjeesteen Maamulada Puntland & Jubbaland.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: