Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho gaaray (Sawiro)

HomeWararka

Madaxweynaha Galmudug oo Muqdisho gaaray (Sawiro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar todobaadyo qaatay oo uu ku maqnaa d

Ra’iisul Wasaare Khayre oo Casho Sharaf Hoygiisa ugu Sameeyay Madaxwaynaha Jubaland (Daawo)
Jubbaland iyo Puntland oo hakiyay ka qeybgalka shirarka Wasaarada Maaliyadda ee Deyn Cafinta
Hay’adda Shaqaalaha Rayidka Puntland oo shir uga furmay Garoowe (dhegayso)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saaka dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho, kaddib safar todobaadyo qaatay oo uu ku maqnaa dalka Turkiga oo ay qoyskiisa degan yihiin.

Madaxweyne Qoorqoor ayaa waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ku soo dhoweeyay Guddoomiye kuxigeenada Golaha Shacabka, Aqalka Sare, Wasiiro, Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir, xildhibaano iyo wasiiro.

Shirka Muqdisho ee u dhaxeeya dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa maalmo dib u dhacay, taasoo sabab u aheyd maqnaanshaha Madaxweynayaasha Galmudug iyo Koofur Galbeed oo ku sugnaa Turkiga.

Rajada laga qabo shirka laga qabo ayaa aad u hooseysay, taasoo keentay in walaac badan uu ka dhasho, shuruudaha iyo caqabadaha ku horgudban shirkaas ee ka imaanayay labada dhinac.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: