Jubbaland iyo Puntland oo hakiyay ka qeybgalka shirarka Wasaarada Maaliyadda ee Deyn Cafinta

Jubbaland iyo Puntland oo hakiyay ka qeybgalka shirarka Wasaarada Maaliyadda ee Deyn Cafinta

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Maaliyadda dowlad goboleedka Jubbaland ayaa lagu sheegay in Maamulka Jubbaland uu u hakiyay ka qeybgalka shirka Wasaarada Maaliyada Dowlada Federalka iyo Wasaaradaha Maaliyada Dowlad goboleedyada.

Maamulka Jubbaland ayaa ku eedeeyay dowlada federalka inay soo gelisay ciidamo deegaano ka mid ah Jubbaland ayna amni darro ku soo kordhiyeen deegaanada Jubbaland.

Sidoo kale Maamulka Jubbaland ayaa dowlada federalka ku eedeeyay in cunoqabatayn ay dul saartay maamulka Jubbaland.

Dhinaca Maamulka Puntland ayaa ka codsaday dowlada federalka in dib loogu dhigo shirka wasiirada warfaafinta oo la qorsheeyay in 11ka bishan uu ka dhaco magaalada Baydhabo. Maamulka Puntland ayaa sheegay inuu ku mashquulsan yihiin qabashada shir muhiim ah 15ka bishan Marso 2020.

Halkan hoose ka aqriso qoraalada ka soo baxay Maamulada Jubbaland iyo Puntland;

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com