Kulanka Gabagabada Wadatashiyada Bulshada Rayidka Ee Qabyo Qoraalka 3’aad Ee Dib-U-Eegista Dastuurka oo muqdisho ka furmay.

HomeWararka

Kulanka Gabagabada Wadatashiyada Bulshada Rayidka Ee Qabyo Qoraalka 3’aad Ee Dib-U-Eegista Dastuurka oo muqdisho ka furmay.

Saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta magaalda muqdsho ka furay Kulanka Gabagabada Wadatashiyada Bulshada Rayidka Ee Q

Saaka & Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibraahim, Daljir Bossaso (dhegayso)
HAYAANKA WAXBARASHO EE SAAKA & DUGSIGA SARE EE SULDAAN HURE SECONDARY SCHOOL (XARFO) (Sawirro)
MAANHADAL: Marxaladaha cusub ee uu wajahayo Geeska Afrika (dhegayso )

Saddexda hay’adood ee u xilsaaran dib-u-eegista Dastuurka ayaa maanta magaalda muqdsho ka furay Kulanka Gabagabada Wadatashiyada Bulshada Rayidka Ee Qabyo Qoraalka 3’aad Ee Dib-U¬-Eegista Dastuurka waxaana ka qayb galaya bulshada rayidka qaybaheeda kala duwan kuwaa oo ka kala yimid Gobolka Banaadir iyo Dowladaha Xubnaha ka ah Fedraalka.

Kulanka waxaa furay agaasimaha guud ee wasaaradda arrimaha dastuurka mudane Maxamed Abuukar Zubayr isagoo faahfaahiyay u jeedada kulanka. Agaasimaha ayaa xusay in kulnka uu yahay kulamada gabagada ee la tashiyada bulshada rayidka ee nuqlka saddexaaad ee iub-u-eegsta dastuurka.

Agaasimaha ayaa ka sheekeeyay hannaanka uu soo maray latashiyada bulshada rayidka iyo dowlad goboleeedyada ee dib-u-eegista dastuurka ee ay ka shaqeeyeen hay’adaha Dastuurka, Agaasimaha ayaa sheegay in markasta oo latashi ay la sameeyaan bulshada ay tixgelinayeen aragtiyaha quman ee ka yimaada bulshada maadaama dastuurku uu yahay heshiis bulsho oo u baahan in laga wada qaybb qaato.

“Hay’adaha dastuurka waxay soo dhammaystireen dastuurka 90%, waxayna hadda soo gabagabeeyeen nuqulkii saddexaad ee dastuurka kaa oo aan maanta kala tashanayno bulshada rayidka, sidoo kale waxaan rabnaa in shaqadii laga qabtay dib-u-eegista Dastuurka aysan noqon mid aan laga faa’iidaysan, waxaana rabnaa in baarlmaanka 11’ad uusan waqti kale ku lumin arrimahaan soo idlaaday” ayuu yiri agaasime Zubayr.

Dhanka kale, Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Madaxa Bannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuuka Marwo Mumino Shiekh Cumar oo kulanka hadal ka jeedisay ayaa sheegtay In bulshada rayidka looga baahanyahay in ay eegaan qodabda ay soo diyaariyeen hay’adaha dastuurka islamarkaana ay aragti ku yeeshaan, ha ahaato wax ku darid ama wax ka dhimid maadaama ay noqonayso latashigii ugu dambeeyay ee gabagabada nuqulka saddexaad ee Dastuurka.

Inta uu socdo kulanka waxaa la samayn doonaa soo jeedimo ku saabsan nuqulka saddexaad ee dastuurka ka dibna waxaa dood ka yeelan doona qaybaha bulshada rayidka ay ka qayb galaya kulanka gabagabada wadatashiyada bulshada rayidka ee nuqula saddxeeda ee dastuurka.

=Dhammaad=

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: