Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Jowhar

Madaxweynaha Galmudug oo ka hadlay qaraxii ka dhacay Jowhar

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye, ayaa cambaareeyay qaraxii Maanta ay Al-Shabaab ku weerareen Degmada Jowhar ee gobolka Shabeelaha Dhexe sidoo kalana ah caasimadda Hir-Shabeelle.

Madaxwaynaha Maamulka Galmudug ayaa xusay in uu xanuunka iyo tiiraanyada la wadaagayo madaxwenaha Hir-Shabeelle iyo shacabkaba, isagoona inta ku dhimatay Eebbe uga baryay in uu janadii Fardowza ka waraabiyo, inta dhaawacantayna u booga dhayo.

Dhanka kale Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye, ayaa carrabka ku adkeeyay in meel looga soo wada jeesto argagixisada, sidoo kalana dagaal saf ballaaran ah lagu qaado goobaha ay kasoo duulaan, kana soo maleegaan qaraxyada ay ku dhibaateeyaan shacabka.

Warkaan kasoo baxay Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo beegmaya xilli Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo maamulo halka qaraxa uu ka dhacay uusan weli cambaareen weerarkaasi qaraxa ah.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com