Madaxweynaha Galmudug oo dhuusamareeb ku qaabilay wafdi ka socda DFS

Madaxweynaha Galmudug oo dhuusamareeb ku qaabilay wafdi ka socda DFS

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay siihayaha Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka XFS Xamsa Saciid Xamsa, iyo Wefdi uu hoggaaminayo oo Maanta gaaray Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb.

Madaxweynaha ayaa warbixin ka dhagaystay Siihayaha wasaaradda Gargaarka XFS iyo Wasiirka Wasaaradda Gargaarka Galmudug Abdirahman (Makaawe).

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa bogaadiyey daddaalka Wasaaradda ee arrimaha gargaarka, latacaalida masiibooyinka iyo halis wadareedka.

Wafdiga Wasiirka gargaarka Soomaaliya ayaa waxaa agab loogu talo galay la socoshada isbedelada Cimilada oo horay loogu wareejiyay Maamulada Puntland, Jubbaland & Koonfur Galbeed.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com