Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi Baaladhan uu Hogaaminayo oo Magaalada Garoowe Lagu Soo Dhaweeyay  (Sawiro)

HomeUncategorized

Madaxweynaha Dowladda Puntland Iyo Wafdi Baaladhan uu Hogaaminayo oo Magaalada Garoowe Lagu Soo Dhaweeyay (Sawiro)

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 Sep 2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay ma

Hay?ada IMC oo adeegyo lagu ilaalinayo caafimaadka siisay dad ku baragkacay fatahada shabeelle
DHEGEYSO-Barnaamijka Saaka iyo Dunida iyo Maxamuud Cabdi Ibrahim.
“Madaxda Federaalku isma khilaafsanee waxaa is khilaafsan M/weyne Shariif iyo Sharciga” Prof. Juriile.

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo taariikhdu tahay 29 Sep 2018 ayaa waxaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda  Dowladda Puntland.

Madaxweynaha oo isbuucyadii ugu danbeeyay safaro shaqo ku marayey Gobolada Karkaar, Sanaag iyo Barri oo saaka kasoo kicitimay magaalada Boosaaso ee xarunta Gobolka Barri oo uu isbuucii ugu danbeeyay ku sugnaa ayaa waxaa safarkiisa ku wehelinayey qaar kamaida Goloha Xukuumadda Dowladda Puntland iyo Saraakiil katirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa waxaa ku soo dhaweeyay magaalada Garoowe ee caasumadda Dowladda Puntland maamulka Degmada Garoowe iyo kan Goblka Nugaal, qaarkamida goloyaasha dowladda Putland, Saraakiisha ciidanka, ganacsato iyo dad wayne aad u farabadan oo lulayey calanka Dowladda Puntalnd.

Dhinaca kale madaxweynaha Dowladda Puntland oo ka warbixiyey intii uu ku sugnaa gobolka Sanaag gaar ahaan magaalada Badhan ayaa waxaa uu sheegay in uu kulamo la qaatay qaybaha kala duwan ee bulshada, sida cuqaasha , dhalinyarada, ardayda,  sidoo kale madaxweynuha ayaa xariga ka jaray mashaariico horumarineed ee ay Dowladdu halkaas ka fulisay gobolkaasi.

Madaxweynaha Dowladda Puntland oo safarkiisa kusoo gabo gabeeyay gobolka Barri gaar ahaan magaaada Boosaaso ayaa waxaa uu kulamo kula qaatay maamulka gobolka, kan degmada iyo guddiyada amniga gobolka oo uu kala hadlay xaalada amniga gobolka iyo  sidii loo xoojin lahaa amniga gobolka iyo kan degmadaba oo mudooyinkii ugu danbeeyay ay ka dhacayeen dilal qorsheysan.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo warbaahinta kula hadlay Qasriga Madaxtooyada ee Magaalada Garoowe ayaa waxaa hadaladiisa kamid ahaa”

“Mahad ilaah baa iska leh inaan maanta ku soo laabto caasimadda Puntland ee Garoowe anoo safar qaatay in kabadan 10 berri ku soo qaatay gobolada Kar-kaar, Sanaag iyo Bari, safarkaasi wuxuu ahaa safar aan ugu kuur galayay xaaladaha goboladaas dhan amni ,dhan dhaqaale iyo dhan hormarineed intaba, waxaanu maalin joognay magaaladda Qardho oo aanu u kuur galnay mashaariic ka socotay oo uu kamid ahaa   isbitaalka Qardho, ka bacdina waxaan safar ku aadnay gobolka Sanaag oo aanu sii marnay Tuulooyin badan oo gobolka katirsan iyo ugu danbayntii magaaladda Baran oo aanu ka daahfurnay Jaamacadda Maakhir iyo mashaariic kale,  waxaan soo aragnay dad reer Puntland ah oo aan quluubtoodu meelkale jirin guul buuna safarkaasi noogu soodhamaaday.” Ayuu yiri Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas

Ugu danbeyn Madxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in ay u tageen  magaaladda Boosaaso ee gobolka Bari si ay ugu kuur galaan xaaladda guud ee gobolka iyo in maadaama gobolku yahay halbawlihii dhaqaalaha Dowladda Puntland in xaaladdiisa lala socdo.

-DHAMMAAD-

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: