Alshabaab oo la wareegay degaano ka tirsan shabeelaha dhexe

Alshabaab oo la wareegay degaano ka tirsan shabeelaha dhexe

Wararka aan ka heleyno Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa waxa ay sheegayaan in deegaano hoos yimaada Degmadaas la Wareegeen dagaalyahano ka tirsan Al Shabaab.

Al-Shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen deegaanada lagu magacaabo Yaaqle, Dhagaxow,Kooreebe iyo tuulooyin kale,halkaasi oo ay Ciidamada dowlada Soomaaliya ay ku lahaayeen saldhigyo.

Dad ku sugan Balcad ayaa waxa ay sheegeen in Ciidamadii dowladda ee ku sugnaa deegaanada maanta Al-Shabaab ay Wareegeen ay isaga baxeen,isla markaana ay u soo ruqaan sadeen dhanka Degmada Balcad ee Gobolka Shabeellaha dhexe.

Sidoo kale waxaa la sheegay in shabaab ay goob fagaaro ah ay isugu keeneen dadkii ku noolaa deegaanada ay gacanta ku dhigeen,isla markaana khudbad u jeediyay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com