Madaxweynaha DFS oo la kulmay Golaha Wasiirada Cusub

Madaxweynaha DFS oo la kulmay Golaha Wasiirada Cusub

Madaxweynaha Jamhuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo kulan la qaatay Golaha Xukuumadda Soomaaliya ee uu Xalay ku dhawaaqay Rooble.

Farmaajo ayaa ku bogaadiyey Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble soo dhisidda Xukuumad tayo leh, doorka muuqda ee uu ka siiyey dhallinyarada iyo haweenka.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in loo baahan yahay dardargalinta howlaha horyaalla Xukuumadda si dalka looga qabto doorasho.

Ra’iisul Wasaaraha Cusub ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa uu si rasmi ah ugu dhawaaqay Golihiisa Wasiirada oo maalmihii la soo dhaafay laga sugaysay.

Xubnaha Golaha Wasiirada ee uu Ra’iisul Wasaare Rooble Magacaabay ayaa u badan Xubnihii Golihii Wasiirada Kheyre, waxaana Golaha Wasiirada masoo muuqan oo laga tegay Wasiirada, Waxbarashada Cabdullaahi Goodax Barre, Warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Sadiiq Xersi Warfaa.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com