Madaxweynaha dalka Jabuuti oo Maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal

Madaxweynaha dalka Jabuuti oo Maanta hortagaya Xildhibaannada labada Aqal

Waxaa Maanta lagu wadaa in Xarunta Villa Hargeysa ay kulan aan caadi aheyn ku yeeshaan Xildhibaannada labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulanka hortegi doona Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.

Xalay ayaa Xildhibaannada labada Aqal loo diray farriin loogu wargelinayay inay soo xaadiraan kulanka labada Aqal, halkaas oo uu khdubad ka jeedin doono Madaxweynaha dowladda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo shalay Muqdisho soo gaaray.

Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa la filayaa in kudbadiisa uu kaga hadlo arrimo dhowr ah oo ay kamid yihiin xaaladda dalka Jabuuti, Arrimaha Soomaaliya iyo dagaalka ay dowladaha Soomaaliya iyo Jabuuti kula jiraan Ururka Al-Shabaab.

Ammaanka Magaalada Muqdisho ayaad ayaa loo adkeeyay, waxaana inta badan xiran waddooyinka muhiimka ah ee Magaalada Muqdisho, waxaana magaalada lagu arkayaa Ciidamo kala duwan oo katirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com